Gudomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo ka hadley Doorashada Gudonka barlamanka Berito!!

0
66

Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya md Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa la hadley warbaahinta isaga oo tilmaamey in loo baahanyahey isbedel iyo wajiyo cusub ee aan loo baahneyn dad lagu hungoobey hawlihii loo direyna ku fashilmey isagoo ugu horeyntii ugu baaqey gudiga doorashada gudoonka barlamaanka in xaqiijiyaan doorasho xalaal ah oo ka hufan laaluush lagu kala qaato goobta doorashadu ka dhaceyso.

Sidoo kalena ay ka digtoonaadaan calaameynta warqadda Codbixinta dhabarkeeda danbe taas oo lagu sameeyo calaamad yar oo aan aad u muuqaneyn iyo lambaro ay ku xaqiijiyaan laaluush bixiyeyaashu cidda u codeysey iyo cidda aan u codeynba taas oo musuqa iyo wax isdaba marintu aad ugu badnaayeen Maamul goboleedyada ay kasoo dhacdey Doorashadii dadbaneyd ee 2016.

DHanka kale waxa uu Gudoomiye timajilic u sheegey Xildhibaanada Barlamaanka federalka soomaaliya in ay baal cusub u furaan dadka soomaaliyeed kana gudbiyaan afar dhibic shan 4.5 kaas oo dad badan ku xaqiranyihiin isla markaasna kuraasta ugu sareysa hugaanka qaranku aysan noqon kuwo beela gaara u xiran ee ay noqdaan kuwo muwaadin kasta u furan ama uu u tartami karo sida caqliga wanaagsani tilmaamayo.

Kursiga Gudoomiyaha Barlamaanka malahan beesha Digil iyo Mirif,sidoo kale Madaxweynaha malahan Hawiye iyo Daarood Ra’iisalwasaaraha sidaas si lamid ah beel kasta ayaa qaban karta ee maahan in qolo gooniya loo calaamadiyo dadka soomaaliyeed ee kalena marti ka noqdaan masiirka dalka sidaas darteed Xildhibaanada sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in ay na tusaan xaqsoor iyo metelaad hagaagsan si looga gudbo dhibaatada dalka saameysey ha dooranina kuwii hore loo arkey ee doorta wajiyada cusub ee xaqa u leh in la doorto ama ay wax doortaan adinkoon eegin qabiil iyo kursiga reer fulaan ayaa leh.

Ugu danbeyntiina wuxuu gudoomiye timajilic sheegey in Xildhibaanada kamidka ah isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ay fuliyaan balantii ay qaadeen una codeeyaan Musharaxa aan ku balaney,muujiyaana wadaniyad iyo karti,lana dareemaa in xubno afkaar wanaagsani kusoo biireen Barlamaanka isagoo baaq la xiriira Abaaraha ujeediyey Musharaxiinta iyo dadweynaha soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan taakuleynta iyo gurmadka loo fidinayo dadka soomaaliyeed ee Abaaruhu wax yeeleeyeen,allena la baryo loona toobo keeno si uu dhibka nooga saaro insha allaah ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa gudoomiye timajilic.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak