Barlamaanki Hirshabeele oo Muqdisho xarun ka dhigtey iyo eedeyn loo jeediyey Gud.barl H/SH.

0
514

Xildhibaanno ka tirsan maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa eedeyn ballaaran u jeediyay guddoomiyaha baalamaanka mamaulka Cismaan Barre Max’ed oo ay ku eedeeyeen in uu kalfadhigii baarlamaanka u wareejiyay magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa Khamiistii ina dhaaftay todobadkii hore ka sheegay magaalada Jowhar in hogaanka sare ee maamulka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka howlihii maamulka oo idil u wareejiyeen sida ay hadalka u dhigeen magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Eedeyntan ayaa timid kadib kulan dhaxmaray qaar ka mid ay xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno ka qeyb-galay kulanka ka dhacay magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta loo jeedinayo guddoonka baarlamaanka, iyaga oo intaa ku daray in kulanka ka dhacay Muqdisho lagu tilmaami karin kalfadhigii rasmiga ahaa ee baarlamaanka Hirshabeelle.

Ugu danbeyntii, eedeymahan loo jeedinayo hogaanka sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa imanaya xili madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyaha baarlamaanka intaba waayadii ugu danbeeyay ku sugnaayeen magaalada caasimada ah Muqdisho.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak