Barlamaanka Galmudug oo loo diidey fadhi ay yeelan lahaayeen.

0
679

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in wali halkaa uu ka taagan yahay ismari-waaga siyaasadeed ee ka dhashay khilaafka soo kala dhaxgalay xidhibaannada maamulka iyo madaxtooyada.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Galmudug ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan is hortaag ku sameeyeen kulan ay halkaa ku yeelan lahaayeen xildhibaannada Galmudug ee sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.

Qaar ka mid ah xildhibaannada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in leyska hortaagay xaruntii ay ku shiri jireen oo lagu magacaabo Xero Midow, iyaga oo intaa ku daray in aysan ilaa iyo hadda ogeyn sababta kulankooda leysaga hortaagay.

Horay xildhibaannadan waxaa ay u sheegeen in loo diiday in ay kulamadooda ku qabsadaan xaruntii rasmiga ah aheyd ee baarlamaanka Galmudug, laakiin waayadii ugu danbeeyay waxaa ay si ku-meel-gaar ah ugu kulmayeen xarunta ay sheegeen in maanta loo diiday in ay ku kulmaan.

Wali ma jiro wax xal ah oo laga gaaray xiisada siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, waxaana muuqata in siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannadaas siweyn ugu kala qeybsan yihiin go’aankii ay dhawaan qaateen xildhibaannada.

warsom2011@gmail.com