Soomaalida ku nool SWITZERLAND oo la gudoonsiiyey Abaalmarin dhiirigelin ah.

0
535

Kulan ay ka qayb-galeen Madaxda Gobalka Zürich ee dalka Switzerland iyo Jaaliyadaha Ajaanibta ah ee dalkaas ku dhaqan, ayaa lagu qabtay magaalada Zürich, kaasoo Jaaliyadda Soomaalida ee Dalkaas ku Nool lagu Guddoonsiiyay Abaa-lmarin.

Munaasabaddan ayaa lagu baal-mariyay lix ruux oo ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobalka Zürich, kuwaasoo wax-qabad muuqda la yimid, ayna ka mid tahay Somalisiwss Diaspora & Somalische Kulturverein Zürich.

Sidoo kale, Xubnaha Jaaliyada ayaa uga Mahad-celiyay intii ka Qayb-qaadatay Agaasinka  xafladdan magaca Soomaaliyeedna muujiyay, iyagoo ugu baaqay Soomaalida Swiss-ka ah in inay ka qayb-qaataan ogaanshaha dalka ay daggan yihiin iyo dalkooda.

Ugu dambeyn, Abaal-marintan ayay sheegeen inay u tahay dhiirri-gelin ku aadan Hawlaha ballaaran ee Sannadkan u qabteen bulshada Soomaaliyeey ee ku nool wadanka Switzerland gaar ahaan Soomaalida ku nool Zürich.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak