SHaqaaqadii xaley ka dhacdey Jawhar oo warar dheeraad ahi kasoo baxayaan.

0
507

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in saakay halkaa ka socto qaban-qaabada wajigii labaad doorashada xubnaha aqalka hoose, kaddib iska horimaad ka dhashay muran la xiriira doorashada oo halkaa halkaa ka dhacay.

Guddiga doorashada ayaa ku howlan siddii laga yeelli lahaa kursiga khilaafku ka dhashay, oo musharixiintii ku loolami lahaa gacan ka hadal ku dhaxmaray xarunta doorashada.

Iska horimaadkii xalay ayaa waxaa ku lug lahaa wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha DF Max’ed Xassan Nuux, kaddib markii ciidammadii la soday isku dhaceen ilaalada xarunta doorashada.

Iskahorimaadkii xalay ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa afar ruux, waxaana lagu waddaa in maanta halkaa la geeyo ciidammo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM kuwaa oo sugi doona ammniga xarunta doorashada.

Warar kale ayaa sheegaya in wasiirka dhalinyarada iyo ibortiga Maxamed Xassan Nuux  uu markuu ogaadey in guushu aaney raaceyn Nalkii goobta doorashada la damiyey kadibna uu dagaal bilawdey iyadoo dantu ku qasabtey in muran la geliyo kursiga lagu tartamayey wararkaas oo ah kuwo leysla dhax marayo,balse aan la xaqiijin karin.
warsom2011@gmail.com

hormuud-logobeccosalaam-banktabaarak