Sheekha caanka ah ee reer Tanzania, Nurdin Kishki ayaa xaflad soo bilaabatay shalay ka wada Nairobi Kenya taassoo ay ka soo qeyb galeen ama kasoo qeybgalayaan muslimiin badan oo ku sugan Nairobi.
Muxaadarooyin xafladaa sheekha iyo mashaaikh kale ay halkaa ka soo jeedinayaan ayaa waxaa mawduucyadooda kujira waxbarashada kadib markii la guursaday (marriage while still studying), qabyaalada iyo waxa diinta Islaamku ka qabto iyo isu dulqaadashada muslimiinta dhexdooda ah.
Waxaa kaloo ku jira mawduucyada wada nolaanshaha muslimiinta iyo dadka aan muslimiinta ahayn iyo mawduucyo kale.
Halka lagu qabanaayo xaflada muxaadarooyinka lagu soo jeedinayo oo jadwalkeedu yahay 12-13ka Nofeembar ayaa ah naadiga Sir Ali Muslim, xaafada Pangani ee Nairobi Kenya.
Mar shalay ay fursad u heleen bahda saxaafada ee Hiiraan Online inay xafladaa kasoo waramaan ayaa muxaadarooyinka qodabadii looga hadlay ee Sheekh Nurdin halkaa ka jeedinaayay waxaa ka mid ahaa in ninka caqliga u saaxiibka ah uu yahay kii aakhiro u shaqeysta.
Guud ahaan ayaa sheekhu soo bandhigayay taqwada ama Alle ka cabsiga iyo cibaadada san iyo weliba wanaagga aqoonta diiniga ah iyo sidii looga fogaan lahaa maalaa yacniga.
Sheekh Nurdin ayaa caan ka ah bariga iyo bartamaha Afrika waxaana uu isku taxalujiyaa inuu baraarujiyo dadka ku dhaqan goboladaa ka tirsan qaarada Afrika asagoo safaro badan ku kala bixiya caasimadaha Nairobi, Mombasa iyo Darasalaam iyo qeybo badan oo goboladaa ka tirsan.
warsom2011@gmail.com








