Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay dileen 6 dabley ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ay sheegeen inay hawl gal ku dileen dableydaa ayagoo kaashanaayay ciidamada dawlada Soomaaliya ee SNA. Shalay Jimcihii ayaa AMISOM ay shegeen inay dileen dableydaa meel u jirta 35km Kismaayo.
AMISOM waxay sidoo kale sheegeen inay la wareegeen deegaan halkaa ku yaal.
Afhayeenka AMISOM Joe Kibet ayaa wakaalada wararka ee Xinhua u sheegay inay ciidamada AMISOM ay la wareegeen deegaanka Buula-gaduud.
Wuxuu intaa ku daray in hub ay ka qabsadeen xarakada Al-Shabaab. Wuxuu raaciyay in wax khasaare ah uusan AMISOM soo gaarin intii hawlgalku socday.
Lama xaqiijin in ragaasi ahaayeen kuwo ka tirsan Al-shabaab ama ay xiriir la lahaayeen,waxana dhacda in ciiamada Amisom iyo kuwa kale ee shisheeyaha ahiba marka ay fal geystaan ay ku sheegaan Al-shabaab.
Xarakada Al-Shabaab durba arinkaa kama aysan hadlin.
warsom2011@gmail.com









