Labo Danbiile oo Booliska SOOL sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen.

0
509

Ciidamada Booliiska Gobolka Sool, ayaa Gacanta ku dhigay maanta laba dambiile oo ay baadi-goobugu jireen sidii loosoo xiri lahaa, kuwaasoo laba shil ka geystay magaalada Laascaanood ee xarunta Gooblka Sool.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka, Ibraahim  Jaamac Daad ayaa WARSOM u xaqiijiyay in ay soo qabteen dambiilayaal lagu kala magaaabo, Ciise Ibraahim Ciise oo xalay xaaskiisii ku dilay tooray la sheegay inuu 13-jeer ku cel-celiyay.

Arrinkan oo ah dhacdo aad layaab u leh ayaan la ogeyn waxa ku kalifey gacan ku dhiiglaha cadawtinimada intaas la eg waxa uu ugu qaadey ooridiisii balse gacanta hada lagu soo dhigey  kadib dabagal boolisku ku hayeen in muddo ah.

Haweenayda oo lagu magacaabi jiray Aamina Cabdirisaaq, ayaa la sheegay inay gacan-ku-dhiiglaha u dhashay afar Carruur ah oo da’doodu aysan aad u weynayn.

Sidoo kale, Dambiilaha kale ayaa la sheegay in uu madaxa bir uga dhuftay nin haatan lagu daweenayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Ugu dambeyn, Soo qabashada labadan ruux ee dambiilayaasha ah – ayaa soo Nooleynaysa kalsoonida ciidanka booliiska lagu qabo oo aan hore looga baran inay soo Xirxiraan dadka falalkan oo kale ka gaysta Magaalada.

warsom2011@gmail.com

hormuud-logobeccosalaam-banktabaarak