Ciyaaraha Qaboobaha kubadda cagta iyo koleyga soomaalida oo ka bilaabanaya ATLANTA.

0
383

Magaalada  Atlanta ee xarunta gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan ay kabiloowdaan ciyaaraha qaboobaha oo ay kaqeybgali doonaan ilaa sideed kooxood oo Soomaali ah too kakala socda qaar ka tirsan gobolada Mareykanka iyo Canada.

Ciyaarahaan oo socon doona muddo afar cisho ah ayaa waxey bilaaban doonaan 24-ka bishaan waxeyna socon doonaan ilaa 27-ka Nofeembar, inta lagu jiro fasaxa munaasabada Thanks giving-ka ee sannadkaan.

Dr.Cali Cusmaan Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ciyaaraha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee magaaladda Atlanta ayaa Hiiraan Online u sheegay in qabanqaabada ciyaarahaan ay iska kaashadeen Guddiga Isboortiga iyo Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed oo kaashanaaya qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee gobolkaan sida Shirkaddaha Xaawaldda ee Amal, Kaah, Dahabshiil iyo Shirkadda Mabruk Corporation.

“Meel aad u wanaagsan ayey hadda noo mareysaa marti galinta tartankaan, waxaana rajeyneynaa in dhawaan ay nasoo gaari doonaan dhammaan marti sharaftii aan casuunay iyo waliba kooxihii kala ma’tali lahaa gobolada kaqeybgali doona tartankaan”, ayuuyiri Cali Cusmaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciyaartooyda sannadkaan kaqeybqaadan doonto tartankaan ay ka kala imaan doonaan gobolada Mareykanka ee Virginia, North Carolina, Ohio, Tennessee, Minnesota koox matali doonta gobolkaan Georgia iyo waliba koox ka imaan doonta magaalada Toronto ee wadanka Canada.

Sidoo kale Ciyaartooy caan ah oo Soomaaliyeed, aqoonyahano iyo masuuliyiin uu ka mid yahay safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa iyagana la filayaa iney dhawaan soo gaaraan magaalada Atlanta si ay goobjoog uga noqdaan Ciyaarahaan.

Ugu danbeyn magaalada Atlanta oo hadda laga dareemaayo diyaar garoow xoogan, ayaa markeedii ugu horeysay bilowday martigalinta tartamadaan oo kale sannadii 1999. Waxeyna hadda ka mid tahay magaalooyinka ay sannad kasta kadhacaan ciyaaraha xillileyda ah ee Soomaalida dagan waqooyiga Amerika ay qabtaan.

WARSOM2011@GMAIL.COM

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak