Xukuumadda Sucuudiga oo sheegtey in Xuutiyiinta Yemen kusoo rideen Gantaal magaalada MAKA.

0
482

Dowladda Saudi Arabia, ayaa ku eedeysay Fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaalama inay Gantaal kuwa Ridada dheer ah ku Tureen dhanka Magaalada barakeysan ee Maka Al-mukarama.

Wakaaladda Wararka Sucuudiga, ayaa sheegtay in Gantaalka lagu soo riday meel dhexe oo 60-km u jirta Magaalada barakaysan uusanna wax khasaare ah geysan.

Sidoo kale, Wakaaladdu ayaa intaas ku daartay in mid ka mid ah Diyaaradaha Dagaalka ee Xulufada Sucuudigu Hoggaaminayo ee Yemen duqeymaha ka wada, ay Daqiiqado kaddib duqaysay goobtii laga soo ganay Gantaalkan.

Ugu dambeyn, Kooda Xuutiyuunta ah ayaa dhankooda waxay sheegeen in Gantaalka ay ku rideen oo ay la beegsanayeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jidda oo Qiyaastii 100-km jirta magaalada barakeysan Maka.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak