Dabley loo maleeyay Al-Shabaab ayaa xaafada Waaberi ku dishay sargaal ka tirsanaa nabad sugida oo la oran jiray C/Caziiz Caraaye.
C/Caziiz Caraaye ayaa dableydu toogteen asagoo kusoo jeeday masaajid shalay goor dambe sida boolisku sheegay. Ismaaciil Xuseen oo booliska ka tirsan ayaa dhacdadaa u xaqiijiyay warbaahinta.
“Goobtii lagu dilay ayaan tagnay laakiin markaa aan tagnay dableydu waa ay baxsatay,” sidaa ayuu yiri.
Xarakada al-Shabaab ayaa weeraro ka geysata Muqdisho iyo qeybo kale oo Soomaaliya ah.
warsom2011@gmail.com