Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo Cambaareyey xarigga Wargeyska Xog ogaal iyo agaasimihii Wargeyska.

0
555

Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya Cali Maxamed Nuux timajilic ayaa si caro leh u cambaareeyey xarigga wargeyska xog ogaal iyo agaasimihii wargeyska Cabdi Aadan Guuleed oo ciidamada Nabadsugidu xarig u geysteen iyadoon sharciyad maxkamadeed loo haysan.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqey ciidamada nabadsugidu in ay si deg deg ah ugu soo celiyaan xoriyadiisa agaasimaha wargeyska xog ogaal Cabdi Aadan Guuleed,halka wargeyska hawlihiisana uu dalbadey in la fasaxo,hadii denbi uu jiro waa in sharciga loo maro,waana wax ay iska caadeysteen ciidanka nabadsugidu ay xarig iyo argagax gelin ku sameeyaan goobo shaqadooda wata iyo shaqsiyaad maamula ayuu yiri gudoomiye timajilic.

Warbaahinta Qaranka kuwoda gaarka loo leeyahey caburin ayaa lagu hayaa waana arin aan loo dulqaadan karin in maamulka hada jiraa ay kuwii qaranka si gaar ah u qaataan kuwii kalena ku qasbaan waxa ay doonayaan ee waa in arintaas laga foojignaado,waxaanan mar kale u dalbaneynaa in agaasimaha iyo wargeyskaba dib loogu fasaxaan hawlihii ay bulshada u hayeen ayuu hadalkiisa kusoo gunaanadey gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya Cali Maxamed Nuux timajilic.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak