Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya oo cambaareeyey xariga sadex wariye.

0
550

Gudoomiyaha isbaheysiga xisbiyada siyaasada soomaaliya Cali Maxamed Nuux timajilic oo caawa la hadley warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey xariga sadex wariye oo midkood u shaqeeyo TVga ALJAZIIRA halka labada kale ay ahaayeen wariyeyal madax banaan oo muqdisho si fiican looga yaqaano.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in ay cabaareynayaan xariga iyo handadaada maalin  walba lagula kacayo wariyeyaasha soomaaliyeed iyadoo uuugu baaqey dawladda soomaaliya iyo ciidamada nabadsugida in ay si dhaqso ah usii daayaan wariyeyaashaas shuruud la’aan,wuxuuna ugu baaqey dawlada federalka Muqdisho ka arrimisa in ay ka waantawdo tacadiyada iyo caburinta xoriyada.

Wariyeyaasha la xirey ayaa waxaa lagu kala magacaabaa  1 Xamza Maxamed oo TVga ALJAZIIRA u shaqeeya 2 wariye Nuur,3 kaameraman aan magaciisa la xaqiijin,mana ahan markii ugu horeysey ee wariyeyaal hawlahooda ku hex jira la xirey iyadoo tafatirihii wargeyska Xog ogaal Cabdi Aadan Guuleed mudo sadex cisho kadib xoriyadiisa uu ib u heley ,waxaana xiran wargeyskii oo aan ilaa hada la sheegin sababta rasmiga ah.