Dr. Yaxye Yuusuf Xaaji Cali oo ka mid ah xubnaha u tartamaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Beledweyne ayaa la xirray qadar kooban, xili uu ku sugnaa Baar Xasan Dhiif ee magaalada Beledweyne.
Dr Yaxye ayaa la sheegay in xarigiisa ka hor uu la ballansaa odayaal iyo waxgarad ka soo jeedda beesha uu ku abtirsado waxaana loo maleynayaa in uu kala hadli lahaa hankiisa siyasadeed iyo doonistiisa xubnimada kursiga baarlamaanka.
Hase ahaatee, markii danbe aya la sii dayay sidda ay u noo sheegeen qaar ka mid ah odayaal ay qaraabo dhaw yihiin, laakiin faah faahin dheeraad kama aysan bixin sababta xarigiisa.
Ugu dambeyn, Maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhawaan soo saaray amar lagu farayo siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee xil doonka ah in aysan qaban karin kulamo aan lagu soo war-galin marka hore maamulka.
warsom2011@gmail.com








