Doorashada Dadban ee 2016 oo beesha caalamku walaac aan waxba tareyn ka muujiyeen dib u dhacyada.

0
396

War-murtiyeed ay si Wadajir ah u soo saartay Beesha Caalamka, sida; Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka IGAD, Talyaaniga, Sweden, Itoobiya, Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa lagu sheegeen inay ka walaacsan tahay beesha calaamka ‘eedeymaha sii socda ee la xiriira Musuq-maasuqa ka dhex-jira nidaamka doorashada ee Somalia.

Beesha Calaamka ayaa qoraalkeeda ku xustay inay walaac ku hayso Wararka ku saabsan cabsi-galin soo noqnoqnaysa oo loo geysanayo musharraxiinta baarlamaanka, odayaasha xildhibaannada soo dooranaya iyo saraakiisha doorashooyinka.

Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dib u dhaca Cod-bixinta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia oo la qorsheeyay inuu billowdo 23-kii bishan Oktoobar. Inkastoo guddiga doorashada dadban ay horay u sheegeen in hawlaha doorashada Aqalka Hoose la gudo-galay.

Xubnaha Beesha Caalamku, waxay si adag kaga dalbatay dhammaan dhinacyada ku lugta leh walaacan cusub inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo lagu dhawrayo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada ee Somalia, kaasoo ay tahay ‘inuusan bixinin fursad ay Qolyaha Qas-wadayaasha ah ku fara-gelin karaan ama ay ku car-qaladayn karaan.

Dhanka kale, Waxay uga digeen maamul-goboleedyada iyo guddiyada Doorashooyinka ee heer maamul-goboleed in ay Qaadayaan Mas’uuliyadda, haddii odayaasha wax dooranaya ay guul darreystaan.

Ugu dambeyn, Beesha Calamaka ayaa waxay Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada ugu baaqeen inay gacan ka gaystaan Xallinta Khilaafaadka Beelaha ee hor-taagan in lasoo dhameystiro dhamaystirka kuraasta loo qoondeeyey Aqalka Hoose iyo xulidda ergooyinka.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak