Waa xaflad fantasiyo ah oo aflaan lagu soo bandhigi doono hijrada, xag-jir ka dhigida dadka iyo hoggaanka dumarka.
Waxaa aflaantaa lagu daawan doonaa Nairobi bisha soo socota wixii loo gaaro 14keeda. Aflaanta la daawan doono ayaa ku saabsan dadaalada isbaddalka lagu doonayo ee bulshada dhexdeeda waxayna gaarayaan shan filin.
Waxaa filimadaa soo qaban qaabisay hayada caalamiga ah ee u dooda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW).
Waxaa aflaantaa oo socon doona min 14ka ilaa 19ka Nofember ay khaas ahaan ku saabsan yihiin hawlaha ay qabtaan dadka u dhaqdhaqaaqa xaquuqul insaanka si ay uga gudbaan caqabadaha soo wajaha.
Filimadaa ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa Alliance Française de Nairobi, xarunta machadka The Rift Valley Institute iyo PAWA 254 waxaana marka la daawado mid walba laga niqaashi doonaa waxa uu ka kooban yahay.
warsom2011@gmail.com








