Qaar kamid ah musharaxiinta xilka madaxweyne Siyaasiyiin iyo wax garad kale oo Beledweyne gaarey.

0
523

Inta badan Siyaasiyiinta Somalia iyo Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa maanta soo Gaaray Magaalada Beledweyne, iyaga oo ka qeyb-gallay munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Baar Xasan Dhiif.

Siyaasiyiinta iyo Musharraxiinta Maanta gaaray degmada Beledweyne, ayaa Waxaa ka mid ah: RW-hii hore ee Somalia, C/wali Sh. Axmed, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Max’uud Axmed Nuur Tarsan, C/raxmaan C/llaahi Baadiyoow, C/llaahi Goodax Barre iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Musharaxiinta ayaa khubado kala duwan oo ay ka jeediyeen Munaasabadda soo dhaweynta ee loo qabtay, waxaa ay ku dhaliileen Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha maamul-gobolleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo sidda ay Hadalka u dhigeen aan wax sharciyad ah ku fadhin, madaama aya sheegeen Dowladda hadda jirta waqtigeeda dhamaaday.

Ugu dambeyntii, Waxaa xafladdan hadal kooban ka jeediyay Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Siyaasiyiinta iyo Musharixiintaba Kula dardaarmay, in ay Socdaalkooda ku baahiyaan Guud ahaan Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak