M/weyne Xasan SHeekh oo si cad u diidey ka mid noqoshada 135ta ody Ugas Xasan Ugas Khaliif ama lagu daro.

0
425

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo xalay Su’aalo lagu weydiinayay Barnaamijka Dood-wadaag oo ee ka baxa Universal TV, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhismaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha in mudaddii uu xilka hayay safarkii ugu badnaa uu ku tagay magaalada Beledweyne, isaga oo taa ku macneeyay in dowladda diyaar u aheyd in wixii tabasho ee jira la saxo.

Mar uu ka hadlayay dooda ku saabsan in Hiiraan labo gobol lagu dhigo ayuu yiri. ”Arrinta ku saabMadaxweyne Xassan Sheekh” Ugaas Xassan tixgalin ayuu naga mudan yahaysan labadaa gobol, annag 18 gobol kama dhigin dalka, dastuurka ayeey ku qoran tahay, waqtigeediina ma joogno, awoodeediina ma lihin oo aan gobol ku kala jarno oo labo gobol u qeybino, daka reer HIiraan iyo Sh/dhexe waa in ay ogaadaan marka ay isku biiraan in ay u faran tahay in ay dhowr gobol u sii qeybsamaan, tusaalle Puntland maanta gobolladii lagu aas-aasay waa ay ka badan tahay.”

Sidoo kale, Mar uu ka jawaabayay Su’aal aheyd; Sababta Ugaas Xasan uusan uga mid ahayn 135 oday ee soo xulaya xildhibaanada Baarlamaanka, Wuxuu madaxweynuhu yiri. “Ugaas Xasan waa ugaaskeyga, tixgelin ayaa u heynaa, waana aqoonsanahay, inta aan Ugaaska loo caleema saarin ayaa dhowr jeer kulanay wixii tabasho waa ka hadalnay, arrinta odayaasha annaga mar kale ayaan ku celineynaa waa nagu adkaatay in aan odayaasha fara-galin ku sameyno, Ugaaskana intuu nala soo xiriiray nama dhihin kursigeyga qofkaa ayaa ku fadhiya ee halleyga kiciyo, siddaa daraadeed arinta ku saabsan odayaasha waxaa noo soo baxday in aan siddooda u deyno.”

Ugu danbeyntii, hadalka madaxxweynaha ayaa imanaya xilli maalintii shalay Shir jaraa’id oo ay Qabteen duubabka-dhaqanka ee Gobolka Hiiraan mar kale ku Qaadaceen Dhismaha Maamulka Labada Gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo Sida ay Dowladda Federaalka Somalia mas’uuliyiinteeda sheegeen dhawaan la soo gabagabeyn doonno.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak