Gudi loo xilsaarey dib u dhigista maamul u sameynta hiiraan iyo sh/dhexe oo guda galey hawlahooda.

0
559

Shir ay isugu yimaadeen murashaxiinta Madaxweyne ee Somalia, Madaxda Xisbiyadda Siyaasadda Dalka, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Siyaasiyiin, Aqoon-yahano iyo Odayaal-dhaqameed oo lagu Qabtay Muqdisho, ayaa Waxaa lagu dhex-xulay guddi ka kooban Toddoba siyaasi oo ka shaqeeyna sidii Dib loogu dhigi lahaa Maamul u Sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe wixii ka dambeeya doorashada dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka.

Xubnaha Guddigaan, ayaa kala ah; Murashaxiinta C/raxmaan C/shakuur Warsame, Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan], Danjire Maxamed Cali Ameerika, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Xildhibaan C/llaahi Goodax Bare, Maariyihii hore ee Dekadda Muqdisho Zayid Cali Macalim Cabdulle, Guddoomiyaha Xisbiga Kulan C/qaadir Maxamed Cusmaan Caanooy (Barnaamij) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Yuusuf Cusmaan Maxamed.

 

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak