Gobolka J/dhexe oo Ciidamada Danab ee DF hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyeen.

0
564

Ciidamada Danab ee dowladda Somaliya ayaa howlgallo Qorshaysan ka fuliyay demgada Sunguuni ee gobolka Jubbada dhexe ,iyaga oo bur-buriyay Saldhig  ay halkasi ku lahayd kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Somalia.

Waxaa hawl-galkan sidoo kale lagu bur-buriyay goob- isbaaro ahayd oo ay kooxda Al-shabaab u adeegsan jirtay in ay dadka kaga qaaddo lacago sharci darro,waxaana degmada Sunguuni oo dhanka waqooyi ka xigta wabiga Jubba ay muhiim u ahayd kooxda Al-shabaab.

Warar dheeraad ah oo laga helayo howl-galladan ayaa sheegaya in degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa yareey lagu gubay Gaadiid dagaal oo ay lahayd Al-shabaab ,iyadoo isla goobta lagu dilay tiro maleshiyaad ah oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Howgalladan oo ahaa kuwa is dhaba joog ah ayaa sidoo kale laga sameeyay degmadda Saakow oo saldhig weyn u ahayd kooxda al-shabaab  ,waxaana sida la sheegay goobta lagu dilay hor-jooge muhiim u ahaa kooxda.

Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaa-meedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab oo dagaal adag  kula jirta dowladda Somalia.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam banktabaarak