Deegaanka Luuq jeelow oo dagaal ku dhexmarey Ciidanka DF,Amisom iyo AL-shabaab.

0
626

Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa oo subaxnimadii hore ee saakay howlgal ka bilaabay deegaanno hoostaga magaalada Beledweyne, ayaa iska horimaad kala kulmay xoogagga Al-shabaab meel dulleedka ka ah deegaanka Luuq-Jeeloow.Ciidammada isbaheysanaya ayaa subaxnimadii hore ee saakay u dhaqaaqay deegaanno dhaca galbeedka Beledweyne oo fariisimo u ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Illaa iyo hadda dhab ahaan lama oga khasaraha labada dhinac ka soo gaaray iska horimaadka, waxaana wali soconaya howlgalada ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wixii faah-faahin ku soo kordha dagaalkan waxaan idinkugu soo gudbin doonaa shabakadda WARSOM insha allaah.
warsom2011@gmail.com
beccosalaam banktabaarak