
Wafdigan ka socda urur goboleedka Igad ayaa maanta gaarey magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo la filayo in ay odayaasha dhaqanka kala hadlaan arrimaha maamul u sameynta gobolada hiiraan iyo sh/dhexe.
Wafdigan oo uu horkacayo danjire Maxamed Cabdi Afey iyo gen. gabre ayaa hore waxey odayaasha dhaqanka ugu sheegeen in arrinta maamul u sameynta labada gobol iyaga gacanta laga geliyey ayna u madax banaanyihiin,waxaana lagu soo waramayaa in kulankaasi ay maanta yeesheen labada dhinac uu natiijo la’aan kusoo dhamaadey.
Wararka ayaa sheegaya in urur goboleedka Igad madaxda ka socotey ay la tageen faragelin xagga maamul goboleedka loo sameyn doono labada gobol,faragelintaas oo aan la ogeyn waxa ay tahey,waxeyse u muuqataa in leysku mari waayey waxyaabihii hore loogu kala duwanaa dawladda federalka iyo odayaasha dhaqanka gobolka hiiraan.
warsom2011@gmail.com





