Weerar gaadmo oo Al-shabaab ku qaadeen ciidamo Itobiyaan ah kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

0
597

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal ba’an uu halkaa ka dhacey iyadoo la sheegayo in ay ku dagaalameen ciidamada dalka itobiya kuwa dagaalyahanada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa guulo ka wada sheegtey labada dhinac ee ku dagaalamey iyadoo Xarakada Al-shabaab ay soo bandhigeen sawirada meydad ku labisan tuutaha ay qaataan askarta itobiya ee sheega in ay qeyb ka yihiin ciidamada Amisom ee hawlgalka u jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid gaadmo ah oo ay qaadeen dagaalyahanada Al-shabaab waxa uuna kusoo beegmayaa iyadoo midawga afrika ay ku heshiiyeen in leyska kaashado sidii loo soo afjari lahaa dhaq dhaqaaqyada iyo weerarada ay Al-shabaab ku hayaan geeska Afrika dalalka ku yaal sida Soomaaliya,Kenya,Itoobia,jabuuti iyo kuwo kale.

Warsom2011@gmail.com