Tababar loo furey qaar kamid ah shqaalaha wasaarada dastuurka o ay qabatey Hay’adda EISA.

0
645

Tababar muddo saddex casho ah socon doona, ayaa Maanta waxaa Muqdisho looga furay shaqaalaha ka socda wasaarada Arrimaha dastuurka Somalia, Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Somalia iyo Shaqaalaha la shaqeeya Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka.

Agaasimaha wasaarada Arrimaha dastuurka, Maxamed Abukar Zubeyr oo tababarka furay, ayaa xusay inuu ku saabsan yahay waxbarashada madaniga ah iyo ka qayb-galka bulshada ee Geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Somalia.

Furitaanka tababarka, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa. agaasimaha EISA ee Somalia, Justin Doura Gore iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen; Marei Laura iyo Funanani Nemaheni.

Zubeyr ayaa ugu Horreyntii ugu Mahad-celiyay Hay’adda EISA – sida ay Wasaaradda uga Caawineyso bixinta Tababarada, wuxuuna xusay in horay sidaan oo kale ay uga caawisay Tababarro badan.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa ka hadlay in Muhiimada tababarkaan ay tahay in la Tababaro shaqaalaha maadaama dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Somalia si shaqaalahaas ay uga qayb-qaataan in shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay wax badan ka ogaadaan dastuurkooda, wixii laga bedelay iyo inay fikirkooda kusoo dari karaan.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in shaqaalaha tababarka loo furay oo gaaraya 40 qof aysan guud ahaan Soomaaliya gaarsiin karin, balse ay awood u leeyihiin inay dad kale Tababbaro siiyaan.

Dhanka kale, wuxuuu kula dardaarmay shaqaalaha tababarka qaadana inay siisaan ahmiyad weyn Tababarka si ay wax wanaagsan uga bartaan.

Ugu dambeyn, Hay’adda ISA (Electarol Institute for sustainable democracy in Africa) ayaa Tababaraysa Shaqaalaha la shaqeeya Qaybaha Dastuurka dalka, isagoo tababarkan uu qayb ka noqonayo Tababarro is-daba-joog ahaa oo la xariira Arrimaha Dastuurka, Maadaama la doonayo in Dastuurka Soomaaliya wax badan laga bedelo.

tabaraksalaam bankbeco2