Kooxda Real Madrid oo markii 11-aad xalay ku guuleysatay Koobka Champions League/.

0
586

Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid, ayaa markeedii 11-aad xalay ku guuleysatay koobka Horyaalka Qaaradda Yurub ee Champions League, kaddib markii kulankii Filanka Koobkan ay Gool-ku-laadyo 5-3 ah kaga adkaatay Kooxda Atletico Madrid.

Cayaarta  ayaa labada kooxood waxay 90-kii daqiiqo isla dhaafi waayeen 1-1, iyadoo lagu daray 30-daqiiqo oo dheeraad ah, iyadoo labada kooxood ay ku kala adkaan waayeen 30-kaas daqiiqo.

Laacibta Juanfran, ayaa kooxda Atletico Madrid ka khasaariyay Rigooradii Afaraad oo ay tuurtaan, taasoo fursad u siisay in Laacibka Cristiano Ronaldo uu kooxdiisa Real Madrid uu u xaqiijiyo guusha.

Ugu dambeyn, Guushan ayaa noqonaysa, markii labaad oo Kooxda Real Madrid ay kooban ka fara-maroojiso Kooxda Atletico Madrid, iyagoo horay uga qaaday sannadii 2014-kii oo ay isla-gaareen finalkii Kooban, markaasoo kabtankoodii Sergio Ramos uu koobka sare u qaaday.

warsom2011@gmail.com

beco2salaam bankttara