Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xilligii Dowladdii Sh. Shariif Sheekh Axmed, ahna mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia, C/samad Macallin Maxamuud ayaa ka hadlay Guddi RW Soomaaliya uu u magacaabay dhawaan eedo loosoo jeediyay Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Somalia.
Xildhibaan C/samad ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu ku qaldanaa inuu guddi u saaro eeda loo jeediyay Hay’adda NISA.
“Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Hay’adda NISA asaga ayey hoostagtaa Hay’addu waxaa ay leedahay Wasiir,Wasiir Kuxigeen iyo Taliye marka waxaa ay aheyd inuu u yeero oo weydiiyo waxa ka jira Eeda ee ma ahayn inuu Guddi u saaro Eeda loo jeediyay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan C/samad.
Ugu dambeyn, RW Sharmaarke ayaa markii ay soo baxday eeda NISA wuxuu magacaabay Guddi u badan Wasiiro oo Xaqiiqo raadin ah maalmo ka hore ayay aheyd markii wargeysa Washingtonpost lagu Daabacay eed loo jeediyay hay’adda NISA taasi oo aheyd inay askar ka dhigato carruur.








