Degmada DHuusamareeb ee gobolka galguduud oo R/W Soomaaliya Cumar C/rashiid ku wajahanyahey.

0
547

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo – ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud oo maamulaan xoogagga Ahlusunna Wal-jamaaca.

Degmada Dhuuso-mareeb waxaa xilligan ka socota qaban-qaada lagu soo dhaweynayo RW Somalia iyo Wafigiisa, iyadoo Ciidamada Ahlusunna ay si aad ah u Adkeeyeen Ammaanka magaalada.

Sidoo kale, Wafdiga Shama’arke Wafdigiisa, ayaa kala hadli doona Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca Arrimo ay ka mid yihiin; Ammaanka, Siyaasadda, iyadoo Ahlusunna ay wax-yaabo badan ka tabaneyso Dowladda Federaalka Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in RW uu kala hadli doono Ahlusunna, sidii loo billaabi lahaa wada-hadal dhex-mara Maamulka Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug oo horay isku dayo badan oo socday lagu guuldareystay in labada dhinac lagu wada-hadalsiiyo.

Ururka Ahlusunna, ayaa Aqoonsaneyn Maamulka Galmudug oo Sannadkii la soo dhaafay lagu dhisay degmada Cadaado, iyadoo horay dagaallo u dhaxeeyay Ururka Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug u dhex-maray.

Dhanka kale, Booqashada RW Sharma’arke maanta oo sabti ah ku tagayo Dhuusa-mareeb ayaa kusoo aadaysa, iyadoo horay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ay booqdeen Degmada Dhuusa-mareeb, inkastoo booqashadaas uu cambaareeyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Ugu dambeyn, Ururka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa gacanta ku heysa Degmada Dhuusa-mareeb oo ah Caasimadda Maamulka Galmudug, Degmada Guriceel iyo Deegaanno kale.

warsom2011@gmail.com

beco2salaam bankttara