Barlamaanka soomaaliya oo kulankiisa Ansixinta heshiiska doorashada uu khilaaf awgiis u baaqdey.

0
518

Baarlamaanka Somalia ayaa baajiyay maanta kulan lagu meel-marin lahaa Heshiiskii Doorashada Sannadkaan, kaddib markii uu muran ka dhashay Xubnaha Gobolka Banaadir ay ka helayaan Baarlamaanka Sare ee lasoo dhisi doono.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa warsom u sheegay in madaxda Puntland ay diideen in toddoba xubnood la siiyo Gobolka Banaadir (Muqdisho), isagoo xusay in awood-qaybsigan uu ku saleysan yahay nidaamka 4.5-ka ah ee doorashada soo socota lagu saleynayo.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto in khilaafkan cusub heshiis laga gaaro, iyadoo sidoo kale madaxda Dowladda Somalia ay iyaguna wadahadal arrintan ku saabsan la fureen Puntland.

Guddiga turxaan-bixinta Go’aannadii Wada-tashigii Doorashada Somalia ayaa horay u sheegay inay isbedel ku sameeyeen heshiiska, balse lama oga khilaafkan dhashay halka uu ku dambeyn doono.

Ugu dambeyn, Lama oga xilliga uu qabsoomi doono kulanka baarlamaanka ee lagu An-sixinayo heshiiskan muranku ka dhashay, waxaana xildhibaanno ka tirsan kuwa ay ku doodayaan inay muhiim tahay in Gobolka Banaadir uu helo xubnaha uu xaqa u leeyahay sida Gobollada kale.

ttarasalaam bankbeco2