Isbaheysiga Xisbiyada Siyaayasadda Soomaaliya oo hugaan iyo madax cusub samestey ama doortey.

0
734

Ku dhawaad 25 xisbi siyaasadeed ayaa sameystey dalad ay si wada jir ah ugu shaqeyn doonaan taas oo loo bixiyey ISBAHEYSIGA XISBIYADDA SIYAASADA SOOMAALIYA.

Isbaheysigan ayaa waxa uu ka koobanyahey xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka jira,waxeyna madaxdoodu iku raaceen in la mideeyo aragtida xisbiyada ee ku wajahan doorashooyinka soo socda iyo fekerka guud ee siyaasada dalka.

Isbaheysiga ayaa gudoomiye u doortey Siciid Qoorshell

Sidoo kale waxaa gud.kuxigeenka 1’aad loo doortey Cali Max’d nuux timajilic,halka gud.kuxigeenka 2’aad loo doortey Saleebaan Yuusuf Cilmi.iyadoo xoghaye guud loo doortey Muumin Suufi.

Isbaheysigan oo ah mid hore dalka loogu arkey ayaa waxaa la filayaa in uu wax ka bedelo siyaasadda dalka,iyo habka 4.5ta oo inta badan soomaalidu kasoo hor jeedo,waana la arki doonaa sida ay xisbiyadani usoo bandhigaan aragti ay ku wada mideysanyihiin.

timaj timajsulemaan