Axmed madoobe M/weynaha J/land oo ka warbixiyey kormeer uu tagey galbeedka gobolka J/hoose/muxuu kala soo kulmey?.

0
558

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo maanta dib ugu soo laabtay Kismaayo kaddib safar shaqo oo maalmihii u dambeeyay uu ugu maqnaa deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uga soo qabsoomay arrimihii uu u ambabaxay.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay inuu gaaray deegaanada Dhoobleey, Taabto iyo Qooqaani, isla markaana uu kulammo la qaatay odoyaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan halkaas, isagoo xusay in sidoo kale uu kormeeray ciidamada ku sugan deegaannadii dhawaan ay ka dhaceen Dagaalladii u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa AMISOM.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jubbaland oo kaashaneeysa AMISOM iyo DF Soomaaliya ay ka Wada-hadli doonaan sidii loo Amba-qaadi lahaa Hawl-gallada Al-shabaab ka dhanka ah, isagoo intaas ku daray in dhawaan dagaalladaasi billaaban doonaan.

beco2