Turkiga oo manta shir uga furmey madaxda Soomaalida/maxaa looga hadlayaa?.

0
501

Waxaa goor-dhow ka furmay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga shir looga hadlayo Arrimaha Somalia, sida Doorashooyinka Sannadkan la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha Turkiga,

Recep Tayyip Erdogan, Madaxda Maamul-goboleedyada ka jira Somalia marka laga reebo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo shirkaan ku casuunnaa laakiin kama uusan soo qayb-gelin.

Kulankan ayaa waxaa furay Madaxweynaha Turkiga Erdogan, markaas kaddibna waxaa ka hadlay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, Waxaana Dhanka kale Shirkan Goob-joog ka ah mas’uuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu ka mid yahay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Dhanka kale, Waxaa shirkan ka Qayb-galaya wufuud kala duwan oo ka socda Maamullada Galmudug, Koonfur-galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo ay Hoggaaminayaan Madaxda ugu sarreeya maamulladaas.

Ugu dambeyntii, Furitaanka Shirkaan kaddib ayaa Waxaa Warbaahinta oo dhan loo Saaray dibadda, iyadoo uu jiro doono War-saxaafadeed laga soo saarayo shirka marka lasoo gaba-gabeeyo Arbacada Berri ah.