Weerar lagu qaadey Bass rakaab ah oo lagu diley labo qof halka sadex kalena lagu dhaawacey Mandheera gobolka W/bari Kenya.

0
440

Wararka ka imaanaya Mandheera, gobalka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegayo in labo ruux lagu dilay, saddex kalana ay dhaawacmeen kaddib markii koox looga shakiyay Al shabaab ay saaka abaaro 7 subaxnimo weerar ku qaadeen Baabuur Bus oo maraayay inta u dhaxeyso deegaannada Kutuloow iyo Ceel-waaq Kenya.

Magaalada Mandheera oo si weyn looga dareemay weerarkaas, ayaa qaar kamid ah dadka deegaanka oo warsom la hadalnay waxey sheegeen in Baabuurka la weeraray uu ahaa Bas rakaab ka soo qaaday magaalada Nairobi kuna socday Mandheera.

Waxey intaas ku dareen dadka deegaanka in Baabuurkaas markii dambe ay ciidamadu u ka xeeyeen dhanka magaalada Mandheere, iyadoo kooxihii weerarka fuliyayna ay goobta ka tageen kaddib markii ay dileen qaar kamid ahaa rakaabkii saarnaa Baskaas.

Dhanka kale Julius Otieno oo ah Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Mandheera, ayaa u sheegay warbaahinta in koox uu ku eedeyay Al Shabaab ay ka dambeyneen weerarkaas, isagoona intaas ku daray in dadkii saarnaa Baabuurkaas ay damceen iney u kala saarnaa Muslimiin iyo Masiixiyiin.

Otieno, ayaa intaas ku daray iney ku raad joogaan kooxdii weerarkaas fuliyay, isagoona tibaaxay in dadk dhaawacmay ay kala ahaayeen labo qof oo rakaab ahaa iyo Darawalkii Baabuurkaas waday.

Dhanka kale, madaxda gobalka ayaa sheegay in wararka sirdoonka ay ka helayaan dadka xoolo-dhaqatada ah ee ka soo jeedo deegaankaas ay tilmaamayaan in saddexdii isbuuc ee la soo dhaafay ay in ka badan 200 oo Al -Shabaab ah, gudaha u soo galeen deegaanada ku dhow Kutulo kaddib markii ay ka yimaadeen dhanka wadanka Soomaaliya.

Bilihii November iyo December ee sannadkii 2014-ka, ayey aheyd markii sidoo oo kale dad loogu laayay baabuur Basas ahaa oo u kala safraayay magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera, iyadoo weeraradaas oo Al Shabaab ay sheegatay qaarkood lagu kala saaray rakaabkii saarnaa baabuurtaas oo kuwii Muslimiinta ahaa la sii daayay halka kuwii kale ee Masiixiyiintiina ahaana la’laayay.