Maxaa ka jira wararka sheegaya in Madhabka SHiicadu soomaaliya ku soo fidayo? Culimada ahlu sunna oo ka digtey.

0
251

Maamulka ahlu sunna wal jameeca ee gobolada dhexe ayaa bayaan ay soo saareen waxey walaac ka muujiyeen in dhulka soomaaliya uu halis ugu jiro in madhabka shiicada iyo wahaabiyada uu ku soo fido soomaaliya isla markaasna loo baahanyahey in culimada soomaaliyeed ay bulshada wacyi gelintaada u istaagaan.

 

Bayaankan ay soo saareen culimada ahlu sunna wal jameeca ayaa lagu sheegey in culimadu aysan wax xiriir ah la laheyn shiicada ayna u taaganyihiin in dadka soomaaliyeed ay ka wacyi geliyaan madhabka SHiicada iyo wahaabiyda oo ah bey yiraahdeen feker qaldan oo aan dhulka soomaalidu degto hore u soo geli waayey.

 

Lama oga waxa ku soo beegey xiligan iyo halka ay xogtan ka heleen culimada ahlu sunna hase yeeshee waxaa soomaaliya ka jira dayacnaan dhinacyo badan oo u baahan in bulshada looga digo ama laga baraarujiyo si ay uga digtoonaadaan,waxaana magaalada muqdisho laga hadal hayey masaajid la sheegayo in SHiico leedahey sida masjid ku yaala inta u dhaxeysa Sayidka iyo dabka oo la sheegey in Turki ay dhiseen.