sida lala wada socdo marka ay qaraxyadu dhacaan waxaa markiiba isku gadaama goobta qaraxu ka dhacey ciidamada dawlada lamana helo xogta dhabta ah ee ku aadan wixii goobta ka dhacey hadey noqoto khasaare hantiyadeed iyo mid dhimasho isla markaa lama maqlo wax haba yaraatee daba gal ama soo qabasho dadkii fududeeyey qaraxa dhacey,waana midaas tan keentey in ay soo noqnoqdaan qaraxyada muqdisho ka dhaca,waxeyna wasaarada amnigu kasoo qaadaa wax iska fudud hadii boqolaal muwaadin goobta ku geeryoodaan.
hadaba si aan wax badan uga ogaano ayaan sameyney daba gal khasaaraha hantiyadeed iyo tira koobka dadka dhintey waxaana la xaqiijiyey in dadka maana qaraxaas ku geeryoodey ay 90 qof kor u dhaafayaan halka dhaawucuu 145 uu isna sii cagacageynayo waxeyna dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmeyba ay u badan yihiin dad usoo gurmadey qaraxii koowaad iyo dad wadada laamiga ah ku safrayey oo qaraxyadu ay haleeleen.
Hadaba waxaa is weydiin mudan maxaa loo waayey ka hortag qarax dhici lahaa maxaase loo la’yahey dad loo soo qabto danbiga dhacey ama kuwo xil ku waaya oo shaqada laga ceyriyo waxaa intaas kasii daran ma aragno mana maqalno kuwo is casila oo damiirkooda wadaninimo u muujiya shacabka ay u adeegayeen,ugu danbeyntiina waxaa looga fadhiyaa dawlada Xasan SHeekh in ay gudato waxa shacabku ay ka sugayaan ee loo igmadey ileen dadkani been wey ka daaleene.




