Dadka gobolada hiiraan iyo SH/dhexe oo walaac ka muujiyey gudiga maamul u sameynta dhawaan loo magacaabey.

0
469

Iyadoo dhawaan wasaarada arrimaha guduhu ay gobolada hiiraan iyo sh/dhexe u magacawdey gudi lagu sheegey in ay maamul u sameynayaan gobolada hiiraan iyo sh/dhexe ayaa waxaa isa soo taraya cabashada iyo diidmada ka imaneysa dadka dega goboladaas waxeyna qaarkood sheegayaan in aan lagala tashan markii gudigaas lasoo xulayey halka qaarkood sheegayaan in aaney gudigaas xubin aaney ku laheyn isla markaasna aysan ku qanci karin kuna kalsoonaan karin go aanada ay soo saaraan gudigaasi.

 

Waxaa gobolka sh/dhexe ka dhacey banaanbaxyo is daba joog ah oo looga soo horjeedo gudiga maamul u sameynta ay wasaarada arrimaha guduhu soo saartey,mana muuqato hadal iyo dabacsanaan ka soo baxaya wasaarada ay shacabku ka banaanbaxayaan.

 

Horey ayey wasaaradda arrimaha guduhu gudiyo ugu magacawdey gobollo la sheegey in wax loogu yeerey maamul goboleed loo sameeyey kaas oo aysan ku wada qanacsaneyn dadka wada dega goboladaasi sidaas awgeedna ma jirto cid dheg jalaq u siisey cabashadooda waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo sokeeye dib uga qarxaan mar hadii aan cidina maqley waana nasiib daro mar kale soo muuqata marka la gaaro 2016ka oo ku beegan xiliga kala guurka.