Doorasho kadib naijeriya oo xukuumad cusub lagu dhawaaqey maxey ka filanayaan dadka dalkaasi?

0
502

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in uu waxbadan ka qabanayo musuq maasuqa dalkiisa hareeyay.

Waxa ay ahayd magacaabid waqti badan la sugayay, balse ugu dambeyntii golaha wasiiradda cusub ayaa shaqadooda bilaabaya.

Madaxweyne Buhari ayaa isku dayay hubinta in wasiiradan cusub aanay ku takri fali doonin jagooyinka loo dhiibo.

Mr Buhari ayaa go’aansaday inuu dusha kala socdo howsha uu qabanayo wasiirka batroolka, oo ah halka uu dhakhliga ugu badan kasoo galo dalkaasi.

Inta badan shacabka Nigeria ayaa taageersan tallaabooyinka uu qaadayo Mr Buhari, oo horay u ahaa jenaraal ka tirsan ciidammada.

Waxa uu ballanqaaday inuu adeegsanayo siyaasaddo cusub, balse arrintaasi ayaa culeyskeeda leh, maadaama ay weli shaqeynayaan inta badan siyaasiyiintii hore.

Caqabadaha horyaalla dowladda Mr Buhari ayaa waxaa ugu waaweyn dhaqaalaha batroolka ku tiirsan ee sii liicaya iyo dagaalka ka dhanka ah ururka Boko Xaraam.

Share this: