Puntland Oo Shirka Wadatashiga Muqdisho Kaga Baxday Arrimo La Xariira Dastuurka Oo La Garab-Maray.

0
421
Waxaa maanta gelinkii danbe ka furmay Madaxtooyada Muqdisho shirka wadatashiga ay yeelanayaan maamulada dalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo looga hadlayo Hiigsiga 2016 iyo waxyaabihii dowlada Federaalka ku guuleysan weyday.

Wafdiga ka socda Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano, kuwaasi oo horey u sheegay in mawqifkooda ku aadan Siyaasada Qaran ay tahay mid cad oo aan ka laabasho lahayn.

Advertisement

Shirka ayaa shalay si horudhac ah loo furay balse kulankii maanta ayaa ahaa kii lagu falanqeenayey 4ta qodob ee ugu muhiimsan ee Dowlada Federaalka loo xilsaaray inay qabato inta xilka uusan ka dhamaan oo kala ahaa:

1- Dastuurka dhameystirkiisa
2- Dhismaha Maamul-gobaleedyada dhiman
3- Dhismaha Guddiyaasha Qaran oo loo marayo wadatashi
4- Qabashada Doorashada 2016

Wafdiga Puntland ayaa maanta sheegay in 4taas qodob ay dowlada Federaalka jabisay ama si bareer ah uga baxday wadadii loogu talo galay, waxayna Puntland sheegtay inaysan aqbali doonin wax walba oo Dastuurka horey loogu heshiiyey ka horimaanaya, isla markaana ay tahay in marka hore la saxo khaladaadka Dastuurka laga galay intaan loo gudbin Hiigsiga 2016.

“…Horta Wadada la marayo ha la isla fahmo intaanba la gaarin Hiigsiga 2016 iyo sida wax loo dooranayo, dowlada Federaalka si bareer ah ayey Dastuurka ugu tumatay isla markaana uga weecatay hanaanka Federaalka, arrintaas oo aan marka hore la sixin, waxa soo socda fashilaad bay ku dhamaan….”ayuu yiri Mid kamid ah xubnaha Puntland shirka uga qeyb galaya oo khadka telefonka ugu waramay Horseed Media.

Puntland oo ah xiligan maamulka ugu faca weyn Federaalka isla markaana ah midka kaliya ee ka taliya gobaladiisa isla markaana leh hanaan dowladnimo iyo awood maamul, ayaa waxaa hagaya go’aanadii horey uga soo baxay Golayaasha Puntland ee uu Baarlamaanka ugu horeeyo, waxaana ku taageersan Shacabka Puntland.

Balse maamulada kale oo iyagu weli aan ku guuleysan inay dowlad ahaan dhismaan isla markaana maamulkooda gaarsiiyaan gobalada ay sheegtaan ayaa iyagu go’aamadooda si fudud ku gaaraan hogaamiyayaashooda taasi oo u fududeenaysa go’aan qaadashada, balse Puntland ayaa sheegtay in Shacabkeeda kula xisaabtamayaan go’aan walba oo ay wax ka saxiixdo, sida ay sheegeen wafdiga Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa shirka ka sheegay in si dul mar ah looga hadlo wixii fashilay oo aan si faah faahsan loo gelin, arrintaasi oo kamid ah sababta Puntland ay shirka uga baxday.

Waxaa hada socda dadaalo lagu doonayo in lagu badbaadiyo shirkan oo ay wadaan xubnaha Beesha Caalamka oo shirar isdaba joog ah laleh Madaxweynaha Puntland Prof.Gaas iyo wafdigiisa