Gudoomiyaha Cusub Gobolka Nugaal oo xilkii la wareega.

0
243

Col. Cumar Cabdullaahi Maxamed Faraweyne oo todobaadkii hore madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas u soo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka ayaa maanta xilkii gudoomiyaha gobolka la wareegay.

Khudbad uu ka jeediyey xaflada xil wareejinta ayuu ka sheegay qorshahiisa waxqabad ee uu damacsan yahay muddada dhow iyo tan fog wuxuu ku hadal qabsaday in uu wax ka qaban Amniga, Hormarka gobolka, Siyaasada iyo Cadaalada.

Wuxuu sheegay in uu joojinayo dhul isku qabqabsiga, Boobka iyo muran ka badan ee ka yimaada dhulka Isagoo sheegay in dhulka ay gacanta u soo gali doonto dowlada oo iyadu maamuli xaqana kala siiso cidkasta.

Gudoomiyahii hore ee gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw-Axmed ayaa sheegay in muddo kooban uu wax qabad la taaban karo sameeyey uuna uga mahadcelinayo bahdii la soo shaqaysay, Wuxuu u hambalyeeyey gudoomiyaha Cusub wuxuu sheegay in uu la shaqayn doono.

Madaxweynaha Puntland ayaa muddo ka yar 12 bilood gudahood wuxuu isbedel ku sameeyey maamulka Gobolka Nugaal, Cumar ayaa ah gudoomiyahii saddexaad ee Madaxweyne Gaas u magacaabo gobolka Nugaal.