Wasiirka hub ka dhigista, dhaqan celinta iyo tababarrada ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia Xasan Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in tirada maleeshiyada isa soo dhiibay ay yihiin boqolaal, ayna badankood iska soo dhiibeen gobollada Bay iyo Bakool.
Xasan ayaa VOA-da ugu warramay in xubnaha isa soo dhiibay ay ku jiraan dhowr horjooge oo xilal sare ka hayey kooxda Al-Shabaab, uuna ku jiray mid la magacaabo Pakistan. Pakistan, ayuu wasiirki sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada Bay iyo Bakool.
Sida wasiirka uu sheegay, maleeshiyada ayey u sammeeyeen goobo lagu hayo laguna dhaqan celiyo, halka horjoogayaashana ay dejiyeen guryo wanaagsan.
Dhinaca kale wasiirka, ayaa VOA-da uga warramay xaaladda dhul badan oo ka mid ah Gobollada Koonfur Galbeed Somalia ee dhawaan ay ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom howlgalada ka wadeen, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool, halkaasi oo laga soo sheegayo xaalad bani aadannimo oo liidata
Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeeed Somalia Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa si ay xaaladahaasi ugu kuur galaan safar ku maraya qaar ka tirsan degmooyinka gobolladaas.





