Al-Shabaab Oo Sheegatey In 60 Askari Itoobiyaan Ahi Ay Ku Dileen Gobollada Bakool Iyo Hiiraan.

0
452

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta ka dhacay deegaanno kala qeybiya gobollada Hiiraan iyo Bakool kuwaasi oo u dhaxeeyay ciidamada muslimiinta iyo kuwa Xabashida Itoobiya.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in dagaallo saacado badan qaatay kadib ciidamada Xabashida Itoobiya khasaara lixaad leh lagaarsiiyay.

Shababul Mujaahidiin waxay xaqiijisay in dagaallada oo ka kala dhacay deegaanada Madaay iyo Ceel-dheere lagu dilay 60 askari Itoobiyaan ah islamarkaana gaadiid dagaal laga qabsaday.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Amxaarada Itoobiya si xun looga jebiyay dagaal ka dhacay Ceel-dheere oo kaabiga ku heysa Hiiraan,wariye katirsan Idaacada Islaamiga Andalus ayaa soo sheegay in 2 gaari laga gubay ciidamada Itoobiya iyadoona mujaahidiintu ay qaniimaysteen qori dhashiike ah oo gaari Cabdi bile ah laga furtay 2 qori PKM ah iyo qoryo gacmeedyo Ak47 ah oo 20 kabadan.

 Sidoo kale dagaal ka dhacay halka loo yaqaan Damaay ayaa lagu gubay gaari nuuca ciidanka xambaara ah iyo tobaneeyo askari,dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydadka 25 askari oo Amxaaro iyo Liyuu Boolis isugu jira caawa maqribkii lagu arka tuulada Ceeldheere.

Saraakiisha Mujaahidiinta ee ku sugan deegaanada Dagaalka ayaa sheegay in lafashiliyay xamlad ay ciidamada Itoobiya kasoo qaadeen dhanka deegaanada Tayeegloow iyo Ceel Cali oo ay ku doonayeen in ay ku xasuuqaan shacabka muslimiinta si lamid ah gabood falladii ay maalmo ka hor ka geysteen gobolka Bakool.