Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday
madaxweynaha Galmudug Cabdikariim
Xuseen Guuleed iyo guddoomiyaha
saddexda gole ee Ahlu-Sunna Sheekh
Ibraahim Guureeye.
Maamulka GALMUDUG iyo Xubno ka mid
ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa
maanta heshiis ku gaaray magaalada
Cadaado oo iminka xarun ah GALMUDUG.
Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday
madaxweynaha Galmudug Cabdikariim
Xuseen Guuleed iyo guddoomiyaha
saddexda gole ee Ahlu-Sunna Sheekh
Ibraahim Guureeye.
Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid
ah in Ahlu-Sunna qeyb laga siiyo xubnaha
baarlamanka GALMUDUG iyo golaha
fulinta ama wasiirada uu soo dhisi doono
madaxweynaha GALMUDUG Cabdkariim
Guuleed.
Heshiiska ayaa waxaan qeyb ka ahayn oo
diiday garabka Ahlu-Sunna ee gacanta ku
haya magaalada Dhuusomareeb, oo
sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn
heshiiska.
Waxaan wareysi la yeelanay Sheekh
Ibraahim Guureeye iyo Afhayeenka Ahlu-
Sunnada Dhuusomareeb Mursal Sheekh
Maxamed oo sheegay inay yihiin maamul,
oo Ahlu-Sunna.






