Kenya Oo Sheegtay In Aysan Ka Laabanaynin Go’aankeeda Darbi Uga Dhiseyso Xadka Soomaaliya

0
457

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in Dowladda Kenya aysan ka laaban doonin go’aankeeda ay darbi uga dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay uga hortagto weerarada uga imaanaya ururka xagjirka ah ee al-Shabaab.

Mr Nkaissery oo ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa sheegay in darbiga la dumin doono markii nabad buuxda ay ka dhalato Soomaaliya.

‘’Haddii nabad ay ka dhalato Soomaaliya, anagoo kaashanayna Dowladda Soomaaliya waxaan burburin doona darbiga balse inta ay xasilooni darro ka jirto qorshahan wuu jiraaya,’’ ayuu yiri.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in kooxaha argagixiisada oo ula jeeday al-Shabaab, looga hortagi karo in la xiro meelaha ay kasoo dusaan, isla markaana qorshaha darbiga lagu dhisayo uu yahay mid wax ka bedeli kara amni darrada ka jirta Kenya.

Ururka al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan oo khasaaro baaxad leh dhaliyey ka geystay gudaha Kenya, tan iyo markii Ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa cambaareysay talaabadan Xukuumadda Kenya ay darbi uga dhiseyso inta u dhaxeysa Mandheera iyo Beledxaawo, waxaana masuuliyinta qaarkood yiraahdeen mid mugdi gelin kara xiriirka dibloomasiyadeed ee labada dal.

Dadka odorosa arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in tilaabadan uusan ku baajin karin weerarada al-Shabaab oo ay sheegeen in ay ku xoogeysteen gudaha Kenya isla markaana taageero ka hela dadka deegaanka qaarkood.