Cali Yare Oo Xurayadiisa Maanta Dib U Helay,Kadib Amar Ka Soo Baxay Maxkamada Sare Ee Dalka.

0
542

Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta dib xoriyadiisa u helay, kadib muddo afartan cisho ah oo ay hey’adaha ammaanka dowladda xabsiga u taxaabeen.

Sii deynta Cali Yare ayaa ka dambeysay kadib qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka oo ku tilmaamay xarigiisa mid sharci darro ah, isla markaana mudadii uu xirnaa aan wax Maxkamad ah la hor-keenin.

Hey’addaha Ammaanka dowladda ayaa horay ugu eedeeyay Cali Yare inuu ka mid yahay shaqsiyaad magacyo been abuur ah ka sameystay baraha bulshada, isla markaana ku aflagaadeeya Madaxda dowladda.

Cali Yare ayaa markii la soo daayay oo aan la xiriirnay waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in xoriyadiisa uu dib u heli, isagoo xusay in sharci darro uu ku xirnaa, isla markaana intii uu xirnaa aan wax Maxkamad ah la hor-keenin, wax eedeyn ah oo sababta loo xiray aan loo soo sheegin.

Mudadii uu xirnaa ayaa waxaa uu galay Isbitaal, kadib xanuuno la soo dersay oo lagaga daweynayay isbitaalka DEVA ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Ilbaxnimo ay tahay in sharciga dhexdiisa lagu kala baxo, natiijadana la aqbalo, waxaana uu u mahad celiyay intii ka qeyb qaadatay dadaalkii lagu soo deyn lahaa.

Cali Yare ayaa horay ula soo shaqeeyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waa nin dhalinyaro ah oo ku caan ah xaga abaabulka siyaasada, waxaana barta uu Facebook ku leeyahay uu horay ugu soo qoray dhaliilo uu u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.