Sidii lawada filayay madaxweynaha maamulka Galmudug waxaa loo magacaabay Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo katirsan xisbiga Damul Jadiid ee uu Xasan Gurguurte madaxda ka yahay.
Doorashada madaxtinimada waxaa ku loolamay Axmed Macalim Fiqi iyo Guuleed Dhaga Juun balse lacago farabadan oo xildhibaanada lasiiyay ayaa sababtay in Cabdi Kariim Guuleed uu ka guulaysto Axmed Fiqi.
C/kariin Dhagajuun Ayaa 49 cod helay halka Axmed Macalim Fiqi uu helay 40 cod.
Sawaxan iyo buuq ayaa ka dhashey halka uu ka socday shirka ee magaalada Cadaado,boqolaal katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ee gacanta ku haya Cadaado ayaa xiray waddooyinka soo gala hoolka shirarka.
Maamulka Galmudug.
Inta badan qabiillada Soomaalida ee dega Galguduud iyo Mudug iskuma raacsana dhismaha maamulkan iyadoona dadku ka aaminsanyihiin maamul shisheeye kalkaal ah waxaana lawada ogyahay colaadda soo jireenka ah ee beelahaasi isku qabaan dowlada Ethopia ee fadhigoodu yahay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb iyana waa awood gooni u taagan oo diyaar u ah in ay jallaafeeyaan maamulkaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha xabashida Itoobiya ee gobolka Galguduud ku sugan ay taageersanyihiin maamulka Dhuusamareeb waxaana lafilayaa in maalmaha soo socda ciidanka Itoobiya ay Cadaado ka baxaan oo ay xoojiyaan maamulka Dhusamareeb ku sugan.
W/Q: Max’uud Max’ed Daahir Carab





