Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar oo dalka dib ugu soo laabtaya ayaa ka warbixiyey shirka wasiirada arrimahada dibadda Ururada Iskaashiga Islaamka oo ka qabsoomay dalka Kuwait maalmo ka hor.
Wasiirku wuxuu sheegay in shirka guul ku soo dhamaaday dhmaan qodobadii looga hadlayeyna guul laga gaaray, Dhanka Soomaaliya ayuu sheegay in qodobadii uu hor dhigay lagu soo dhaweeyey gacan siin iyo taakulayna la qabalan qaaday.
Qodobadan hoose ayuu sheegay in wasaaraddiisa ay ka shaqayso markastana uu kaga hadli doono shirarka uu ka qayb galo si guul looga gaaro.
1- Xoojinta iyo mideynta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , taageero ballaaranna loo fidiyo.
2- In Dowladda Soomaaliya ay kaga guuleysatay kooxda nabad-diidka dhinaca milatariga , loona baahan yahay taageeridda dhisidda iyo qalabeynta ciidan Soomaaliyeed oo xoog leh.
3- In la maalgeshto dalka Soomaaliya ,lana soo saaro kheyraadka kala duwan ee dhex ceegaga Bad iyo Beri, si loo abuuro fursado shaqo oo suuragelin kara la dagaalanka saboolnimada,jahliga iyo colaada.
4- Hiigsiga 2016 oo ah qorshe loogu saldhigayo, laguna fidiyo awoodda Dowladda hab nidaam federaal ah , iyadoo
Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka ay ku howlan yihiin hirgelinta Hiigsigaasi iyagoo kaashanaya hey’adaha kala duwan ee dowladda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga , waxa kale oo uu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay noqotay Dowladda Kaliya ee wiiqday awoodda koox aragagaxiso oo nabad diid ah, lagana sifeeyay dalka intiisa badan.
Dr Hadliye waxa uu xusay in Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ay isku raaceen in Soomaaliya laga taageero dhinacyada Siyaasadda , dhaqaalaha , maalgashiga iyo Xoojinta awoodda ciidanka Xoogga dalka , waxa uu yiri .
“ OIC waxa ay ogolaatay in taageerada loo fidiyo Soomaaliya ay noqoto mid toos ah oo aan loo marin Hey’ado ama Ururo, lagulana xisaabtamo qaabka loo maareeyo deeqaha maaliyadeed”.





