Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa u sheegay xubnaha guddiga isku dhafka ciidamadda in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba ay ka sugayaan ciidan isku dheeli tiran oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo xubin walba oo kamid ah guddigan ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta iyo gaarista howlaha muhiimka ah ee loo xil saaray.
“Sidii aan horey ugu balanay, waajibaad qaran ayaa idin saaran, xubnaha guddiga waa kuwa aan ku kalsoonahay in ay si huffan u gudan doonaan shaqada loo xil saaray, sidii uu shalay idiin sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda howsha la idinka sugayo waa in aad dalka u horseedaan dhismaha ciidan qaran oo mideysan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.
Ugu danbeyn, waxaa goobta ka hadlay Wasiir-u dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa, oo guddiga isku dhafka madax u ah, wuxuna sheegay in mideynta ciidamada ay tahay mid door muuqato ka qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo inay noqdaan ciidan awood ballaaran leh.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wada dadaallo lagu doonayo in la isugu dhafo Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, si loo helo ciidan leh tayo sare oo matalaya Soomaaliya oo dhan, iyadoo dhawaan ay xubnaha guddigan ee ka kooban 15ka xubnood ay booqan doonaan maamullada ka jira Soomaaliya.





