Raggii Dilay Xilidhibaanad Saado Cali Oo Maanta Lagu Toogtey Muqdisho(DAAWO SAWIRADA).

0
968

Maxkamada Darajada 1-Aad Ee  Ciidamada Qalabka sida Ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukuno dil ah ku fulisey labo nin oo ka tirsanaa Al-shabaab Kuwaasoo dilal kala duwan ugeystay xildhibaano, saraakiil dowladeed iyo
shaqsiyaad kale.

Maxkamada ayaa cadaymo iyo qiraalba ku heshay labadan nin oo horay u dilay xildhibaanada kala ah Ex. Xildhibaan Saado Cali Warsame, Ex Xildhibaan Sh Aadan Maxamed Cali Madeer, Ex Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd, waxay kaloo qirteen in ay dileen Axmed Odawaa Baale iyo Maxamed Axmed Maxamed oo kawada tirsanaa hay’ada Nabad Sugidda Iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Labadan nin ee xukunka maanta lagu fuliyey ayaa lagu kala magacaabaa Shucayb Ibraahim Mahdi oo 37 sano jir Ah iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 sano jir ahaa, Waxaana Maanta Lagu Toogtay Fagaaraha Generaal Kaahiye Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho

Dhamaadka sanadkii 2014 Ciidamada amaanka dowladda federaalka Soomaaliya  ayaa  koox ay horjoog u aheeyeen ragan  laga soo qabtay xaafad ay ka soo qaadijireen dagaalada iyo weerarada Taasi Oo Ku Tiilay Degmada Madiino Ee Gobolka Banaadir Waxaana Soo Afjarmay Nolosha Dhagar Qabayaashaasi Ka Tirsanaa Kooxda UGUS.

tooootooootooo Too Too