Musharax C/kariin Xuseen Guuleed Oo Ka Mid Ah Musharaxiinta Dooneysa Iney Gobolada Dhexe Maamulaan Ayaa Maanta Waxa Uu Kasoo Degay Garoonka Diyaarada Magaalada Cadaado.
Ckariin Guuleed dib ugu soo laabashadiisa Magaaalada Cadaado Ee Gobolada dhexe Ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Iyadoona Soo Dhaweynta Masuulkaasi Uu Kasoo Qeyb Galay Max’uud Axmed Nuur Tarsan Oo Ah Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir;Masuuliyiin,Iyo Dad Weyne Aad U Farabadan.
Musharaxaani Ayaa Qudbad Uu Jeediyey Kadib Markii Uu Soo Gaaray Cadaado Ayaa wuxuu sheegay in hadii laga guuleysto uu lashaqay doono Cid walboo kusoo baxda Madaxweynaha labada Gobol Isagoona sidoo kale Musharixiinta kale ugu baaqay iney Joojiyaan iska hor keenka beelaha Haddii Kale Meesha Ay Ka Dhalan Karto In Aan Leysku Calool Fiyoobaanin.




