Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliyaha qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xooga General Maxamed Maxamuud Xasan (Qaafow).
Waxaana xilkaasi loo magacaabay General Maxamed Maxamuud Saney, oo ka tirsan Ciidanka xooga dalka Soomaaliya.
Qaafow iyo Saney, ayaa ku heyb ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sanay waxa uu si weyn kaga soo muuqday la dagaalanka lagula jiro Ururka Al Shabaab, xilligii Dowladda Shariif Sheekh Axmed.
Taliyaha qaybta 12-ka April, ayaa macno ahaan wuxuu ka dhigan yahay Sarkaalka saddexaad ee ugu sareeya Ciidanka Dowladda, marka laga soo taggo Taliyaha iyo Abaan Duuliyaha Ciidanka Xooga.
Muddooyinkan dambe, ayaa waxay Madaxtooyadu waday is bedelo ay ku sameyneyso Saraakiisha Ciidamada Dowladda, iyadoo la fillaayo in xilliyada soo socdo ay sii socoto xil ka qaadista Saraakiisha Ciidamada.





