Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in deegaano ku dhaw Magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen dagaal beeleeyo qasaaro geystay.
Wararku waxa ay intaa ku darayaan in ugu yaraan 2 Qof ayaa ku geeriyootay 3 kalana ay ku dhaawacmeen dagaalada oo ka dhacay deegaanada Gacmo-fale iyo Dabeedhaale oo dhanka barri kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay in dagaaladu ay ahaayeen kuwa u dhexeeya maleeshiyo beeleed wada daga halkaa oo ka soo kala jeeda maamulada Galmudug iyo Puntland.
Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda laba dhinac ayaa hada waanwaan ka dhexwada Maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay deegaanada ku dhaw Magaalada Gaalkacyo.
Dagaalada salka ku haya aanooyinka Qabiil ayaa kusoo laablaabtay gobolka Mudug gaar ahaan xuduuda u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.





